Xildhibaan ka tirsan dowladda Uganda ayaa shaaciyay in Xasan Gurguurte uu madaxda dalka Yugaandha u sheegay in haddii ciidamada shisheeye ay dalka isaga baxaan ay waqti kooban kadib burburi doonto kooxda Villa Soomaaliya.
Xasan Guguurte oo magaalada Kampala kulan kula qaatay xildhibaanno iyo Yuweri Musaveni ayaa si cad u sheegay in ciidanka Yugaandha la'aantiis uusan madaxweyne ka siin ahaan karin Soomaaliya wuxuuna ku calaancalay in uu uusan ka maarmin ciidamada shisheeye.
Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka dowladda Yugaandha ayaa warbaahinta waddankaas uga warramay sida dullinimada leh ee Xasan Gurguurte ugu baryootamay sii joogidda ciidanka Yugaandheyska ah.
"Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu xildhibaanadeena baarlamaanka Uganda u sheegay inuu joogitaankiisa xaafiiska kuxiran yahay joogida ciidanka UPDF, Wuxuu kaloo caddeeyay in maalinta ay ciidamada UPDF Soomaaliya ka baxaan ay u badantahay inuusan sii ahaan doonin madaxweyne"
Isniintii lasoo dhaafay ayay ahady markii Xasan Sheekh Maxamuud uu weji-gabax kala soo laabtay safar hal maalin qaatay oo uu ku tagay waddanka Uganda, halkaas oo uu kulan uu kula qaatay Museveni loogu sheegay in ciidamada waddankaasi laga soo saarayo Soomaaliya.
Kusoo biir barteena cusub ee X/Twitter:
